Ruushka oo War kasoo Saaray kulankii ay dhawaan Madaxda Yurub ka yeesheen Arinta Ukraine.

16
0

Moscow ayaa sheegtay, in mawqifyada reer Galbeedka ay sii caddaanayaan in uu jiro xisbi doonaya in colaadda Ukraine ay sii socoto.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay, in kororka dhaqaalaha Yurub ee Ukraine aysan ahayn mid loogu talagalay qorshaha nabadda balse ay tahay sii wadida howlgallada militari. Waxa uu tilmaamay, in weli aysan jirin qorshe la isku raacsan yahay oo lagu xalinayo colaadda Ukraine, inkastoo ay soo baxeen qodobo qabyo ah.

Peskov ayaa intaas ku daray, in maamulka Kiev iyo Zelensky aysan doonayn nabad, balse ay doonayaan in colaaddu sii socoto, isagoo xusay, in wixii ka dhacay Aqalka Cad ay muujinayso sida ay u adag tahay in heshiis laga gaaro dagaalka Ukraine.

Peskov ayaa sheegay, in Ruushka uu sii wado wada-hadallada uu la leeyahay Washington si waafaqsan xiriirka caadiga ah ee u dhaxeeyo labada dhinac.

Si kastaba ha haatee hadalkaan ayaa kusoo beegmayo, iyadoo shir madaxeed lagu taageerayo Ukraine ay madaxda Yurub ku yeesheen magaalada London, iyagoona sheegay inay isku raaceen in la sameeyo isbahaysi ay ku doonayaan inay ku difaacdaan heshiis kasta oo nabadeed oo laga gaara dagaalka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here