Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa maanta sheegtay, in ciidamadeedu ay la wareegeen tuulada Privilen oo dhacda gobolka Donetsk ee Bariga Ukraine, sida ay ku warrantay wakaaladaha wararka ee dalkaasi.
Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidamada Ruushka ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen fariisimo ay ciidamada Ukraine ku leeyihiin qeybo kala duwan oo ka tirsan Donetsk, waxayna sheegeen, in khasaaraha ciidamada Ukraine uu gaaraya illaa 175 askari, hal taangi, gaari gaashaaman, 4 baabuur iyo 4 qori oo nooca dhulka ah.
Horaantii maanta oo Arbaca ah ayay wasaaraddu ku dhawaaqday, in hababkooda difaaca cirka ay xalay saqdii dhexe ku soo rideen 8 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ukraine oo dul heehaabayay dhowr gobol oo katirsan Ruushka.