Xooggaga Falastiiniyiinta oo Weerar Khasaaro Dhaliyay la Beegsaday Ciidamada Yahuudda ee ku Sugan Daanta Galbeed.

19
0

Muqaawamada Falastiiniyiinta ayaa weerar xooggan  la beegsaday ciidamada Yahuudda ee duulaanka ku jooga magaalada Azoun ee bariga Qalqilya ee Daanta Galbeed, hawlgalkaas ayay muqaawamadu u adeegsadeen qarax xooggan kadiibna waxay rasaas ooda kaga qaadeen ciidamadii magaaladaas ku sugnaa, ayadoo  halkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaar kamida askarta Yahuudda.

Iska horimaad kale ayaa sidoo kale dhex maray muqaawamada Falastiiniyiinta iyo ciidamada gumeysiga ee ku sugan tuulada Kafr Qaddum oo dhanka bari kaga beegan magaalada Qalqiliya.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay, in iska horimaadku uu dhacay kaddib markii Ciidamada gumeysigu ay gudaha u galeen tuuladaas, isla markaana ay fariisimo ka sameysteen agagaarka Masjidka Cumar bin Al-Khattaab, iyadoo ay rasaas ku fureen dadka shacabka ah ee deegaanka.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya magaalada Tulkarm ayaa sheegaya, in ciidamada gumeysigu ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Al-Mahjar ee xerada Nuur Shams oo dhanka bari kaga beegan magaalada, ciidamada Yahuudda ayaana halkaas ka gaystay falal burburin ah oo ay kula kaceen guryaha dadka Falastiiniyiinta ee deeganka.

Weeraradan is xig xiga ayaa imaanaya aydoo ay Ciidamada Yahuuddu sii kor dhiyeen bisha barakaysan ee Ramadan xad gudubyada ay ku hayaan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan dhulka Daanta Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here