Xooggaga Taageerada Degdegga ah oo Duqaymo ka Fuliyay Caasimada Khartuum iyo Magaalooyin kale.

23
0

Taliye ku-xigeenka militariga Suudan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay xoojiyeen joogitaanka deegaanka Al-Muqran ee bartamaha Khartoum, taas oo looga gol leeyahay in lagu jaro marinada ay ciidamada Dacmu sariic ka helaan gargaarka.

Taliyahan ayaa sidoo kale sheegay in xooggaga Taageerada Degdegga ah ay duqaymo la beegsadeen qeybo ka mid ah magaalada Khartoum, kaas oo dhaliyay khasaaro nafeed iyo mid maaliyadeed.

Ilo maxalli ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay duqaymo culus ka gaysteen magaalada Al-Abyad ee Galbeedka Suudan. Duqaymahan ayaa beegsaday  dhismayaal ay daganaayeen dad shacab ah, isla markaana ay burburiyeen tiro guryo ah.

Dhinaca kale, mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Suudan oo ku sugan magaalada El Fasher ee xarunta gobolka Waqooyiga Darfur ayaa sheegay, in maleeshiyaadka Dacmu sariic ay maalintii labaad duqaymo culus ka wadaan magaalada Al-Maliha oo qiyaastii 200 Km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Al-Fasher.

Dagaaladan ayaa sii xoogaystay kaddib markii maleeshiyaadka RSF ay sheegeen in  ay ku dhawaaqayaan xukumad ka madax banana dawladda Suudan, taas oo katalin doonta dhulka ay haatan xoogga ku haystaan ciidamada Taageerada Degdegga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here