Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar istish’haadiyo iyo xoog ku gal ah lagu dilay sarkaal caan ah.
Sarkaalka la dilay waxaa lagu magcaabi jiray Gaashaanlle Galaangashe oo katirsana dowlada federaalka.
Sarkaalka ayaa kamid ahaa guddiga waday abaabulka dagaalka ka dhanka ah xarakada Al Shabaab ee galbeedka Hiiraan.
Galaangashe wuxuu kamid ahaa saraakiisha ugu aqoonta badan dhanka Miina Baarista wuxuuna lasoo shaqeeyay hay’adda Main Action isagoo tababarro kusoo qaatay dalka dibaddiisa.
Sanadkii 2023 ayay xarakada Alshabaab taliyahan ka dhigeen naafo kadib markii ay ku qarxiyeen miino gacan ku sameys ah xilli uu qeyb ka ahaa dagaal ka socday Bariga gobolka Hiiraan.