Maamulka Filibiin ayaa shaaca ka qaaday, in booliska ay maanta xabsiga u taxaabeen madaxweynihii hore ee dalkaas, Rodrigo Duterte, kadib markii diyaarada uu la socday ay soo caga dhigatay garoonka magaalada Manila ee caasimadda dalkaas.
Xarika madaxwaynahaan ayaa loo cuskaday waaran soo qabasho ah oo ay horay u soo saartay waxa loogu yeero maxkamada caalamiga ah ee dambiyada, kadib markii lagu eedeeyay inuu galay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada intii uu dagaalka kula jiray dadka ka ganacsada daroogada.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada dalkaas, Duterte ayaa la xiray wax yar kadib markii uu ka degay garoonka caalamiga ah ee Manila, kadib safar gaaban oo uu ku tagay Hong Kong.
Duterte, oo 79 jir ah, soona xukumay dalka Filibiina intii u dhexeysay 2016-kii illaa 2022-kii ayaa wajahaya eedaymo ah inuu dil bareerka ah geystay intii uu jagada haayay, kooxaha sheegta inay u doodaan xuquuqul insaanka ayaa tilmaamay, in qiyaastii Tobanaan kun oo rag ah ay militarigiisa iyo booliiskiisa nafta dhaafiyeen, iyagoo inta badan aan helin cadaymo muujinaya in ay xiriir la leeyihiin danbiyada lagu soo oogay.
Waxa xusid mudan, in Filibiin ay sanadkii 2019-kii isaga baxday maxkamada ICC, kadib amar kasoo baxay madaxwaynaha haatan xabsiga la dhigay, balse maxkamadaas oo lagu yaqaanno inay xukunto dawladaha awood ahaan hooseeya ayaa wali ka shaqaynayso dalkaas.