
Hal qof ayaa ku dhintay weerar cirka ah oo ay diyaaradaha Yahuudda shalay la beegsadeen baabuur marayey degmada Sidon ee Koonfurta Lubnaan, halka ay Yahuuddu shaacisay, inay beegsatay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Shiiciga ah ee Xisbullaah.
Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Lubnaan, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ayaa weerar ku qaaday baabuur marayay waddada Rumin-Wadi Deir al-Zahrani, ee Koonfurta dalkaas.
Xarunta Hawlaha Gurmadka Caafimaadka Dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in duqaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Sahaayinada ay beegsatay baabuur marayey waddada Deir al-Zahrani, taas oo sababtay dhimashada hal ruux.
Dhankooda, ciidamada Sahaayinada ayaa sheegay, in ay beegsadeen taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada ururka Xisbullah oo u qaabilsanaa nidaamka difaaca hawada.
Ciidanka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in diyaaradahoodu ay weerar ay ka fuliyeen deegaanka Nabatieh ee Koonfurta Lubnaan, ayn ku dileen Hassan Abbas Cizu Diin, oo ahaa madaxa nidaamka difaaca hawada ee Xisbullah. Waxa uu intaa ku daray, in Cizu Diin uu horseeday isku dayo dib loogu dhisayo nidaamkaas. Waa sida ay warka u dhigeene.
Gelinkii dambe ee Talaadadii, ciidanka Yahuudda ayaa sheegay, in ay qaadeen weerar xagga cirka ah oo ka dhan ah xubno badan oo ka tirsan Xisbullah oo ku sugnaa deegaanka Faruun ee Koonfurta Lubnaan, waxayna tibaaxeen, in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen Xisbullah oo ku taalla deegaanka Faruun.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Yahuudda ay shaaciyeen, in ay beegsadeen sarkaal sare oo katirsanaa ururka shiiciga ah ee Xisbullaah, kaas oo shaqadiisu ahayd hor marinta kaabayaasha dhaqaalaha ee ururka.