Shil sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rakaab ahaa ayaa shalay talaadadii ka dhacay dalka Koonfur Afrika, gaariga shilka galay ayaa ka baxay wadada, taas oo ugu damabayntii keentay inuu gaari shil galo.
Dhacdadan ayaa sigaara uga dhacday waddo weyn oo u dhow garoonka caalamiga ah ee Johannesburg, waxaana ku naf-waayay 16 qof oo rakaab ahaa, kuwaas oo afar kamida ay ku dhiteen xarumaha caafimaadka, halka ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale, sida ay sheegtay wasaaradda gaadiidka ee dalkaas.
Sawiro lagu baahiyay mareegaha fogaan-araga ayaa lagu arkayay dad badan oo isugu jira kuwa dhintay iyo kuwo dhaawacmay oo daadsan hareeraha gaariga shilka galay, kahor inta aan loo qaadin xarumaha caafimaadka ee magaaladaas.
Shilkan ayaa noqonaya kii sadexaad oo dhaca tan iyo isbuucii lasoo dhaafay, waxaana ku dhintay tobanaan qof oo dalkaas u dhashay. Wasiirka gaadiidka ee Koonfur Afrika ayaa amar ku siisay Shirkadda Maareynta Wadooyinka, inay la kulmaan dhammaan hawl-wadeennada basaska toddobaadka soo socda, si ay ugala hadlaan siyaabaha lagu yarayn karo shilalka noocan oo kale ah.