Iran, Ruushka iyo Shiinaha ayaa dhoolatus ciidan oo wadajir ah ka bilaabay gacanka Cumaan, iyaga oo sheegay in dhoolatuskan uu yahay kii shanaad oo ay saddexda dal iskugu yimaadaan si wadajir ah.
Wakaalada wararka ee Shiinaha CGTN ayaa sheegtay, in dhoolatuska amniga badda ee 2025-ka uu ka bilawday meel u dhow dekedda Chabahar ee dalka Iran shalay Talaadadii, waxaana looga dan leeyahay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta ciidamada badda ee dalalka ka qaybqaadana dhoolatuska.
Telefiishanka Press TV ee laga leeyahay dalka Iran ayaa isna dhankiisa sheegay, in cutubyada ciidamada badda ee Azerbaijan, Koonfur Afrika, Oman, Kazakhstan, Pakistan, Qatar, Iraq, Imaaraadka Carabta iyo Sri Lanka ay sidoo kale kormeerayaan dhoolatuskan.
In kasta oo Shiinaha iyo Ruushku aanay sida caadiga ah u ilaalin biyaha Bariga Dhexe, hadana marin-biyoodkan ayaa noqday mid ay sii kordhayso dhaqdhaqaaqyada millatari ee ka socda sannadihii la soo dhaafay.
Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay hakiyeen weerarradoodii, kaddib markii xabad joojin u dhaxeysa Xamaas iyo Yahuudda ay bilaabatay bishii Janaayo balse waxay mar kale ku hanjabeen, inay dib u billaabayaan howlgallada militari haddii Yahuuddu aysan qaadin go’doominta kasoo cusboonaatay Qaza.
Mareykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ayaa sidoo kale kordhiyay joogitaankooda badda cas, iyadoo ciidamo ka kooban 10 wadan lagu dhawaaqay December 2023-kii in ay kasoo qayb galaan ciidamo la gaynayo Badda Cas, si ay uga hortagaan weerarada Xuutiyiinta.
Dhoolatuska sanadkan ee ciidamada badda Iran ayaa imaanaya, xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay, in uu warqad u diray hoggaanka Iran oo uu ku doonayo in dib loo soo nooleeyo wadahadaladii ku saabsanaa heshiiskii Nukliyeerka.