Inka Badan 50 Ruux oo ku Dhimatay Tareen lagu Afduubtay Gobolka Balochistan ee Dalka Pakistan.

26
0

Milateriga Pakistan ayaa ku dhawaaqay, in ciidamada ammaanka ay weerareen tareen Arbacadii lasoo dhaafay ay afduubteen maleeshiyaad gooni u goosad ah oo ka yimid gobolka Balochistan, waxayna sheegeen, in iska horimaadkaas oo socday hal maalin lagu dilay dhammaan raggii weerarka soo qaaday oo tiradoodu ahayd 33 dagaalyahan, halka ay sidoo kale ku dhinteen 21 ruux oo la heystayaal ahaa.

Afhayeenka ciidamada dalkaas Axmed Shariif ayaa sheegay, in intii uu socday howlgalkaas aysan dad rayid ah ku dhiman, marka laga soo tago 21-qof oo la-haysteyaal ahaa oo  la dilay ka hor inta uusan howlgalka billaabanin, isagoo xusay, in 440 qof ay saarnaayeen tareenka.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in dableydu ay qarxiyeen waddo tareen isla markaana ay gantaallo ku dhufteen tareenka oo kasoo ambabaxay magaalada Quetta ee xarunta gobolka Balochistan kuna sii jeeday magaalada Peshawar ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Saraakiisha Pakistan ayaa ku eedeeyay kooxda xorayn Balochistan inay ka danbeeyeen weerarkaasi. Taas oo lagu tilmaama, inay tahay kooxda ugu tunka wayn ee ka tirsan kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda Pakistan ee ku sugan gobolka Balochistan, oo xuduud la leh Afghanistan iyo Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here