Jaamacadaha Cilmi Barista ee Australia oo Walaac ka Muujiyay Go’aanka uu Trump ku Dhimay Maalgelintii uu Siin jiray.

35
0

Dhowr jaamacadood oo waaweyn oo Australia ah ayaa maanta ku dhawaaqay in maamulka Trump uu dhimay dhaqaalihii uu siin jiray qaar ka mid ah cilmi-baarayaashooda, kuwa kalena ay u baahan yihiin inay helaan dhaqaalaha dowladda Mareykanka si ay u caddeeyaan in shaqadooda ay waafaqsan tahay danaha dalka.

G8, oo ah isbahaysiga jaamacadaha diiradda saaraya cilmi-baarista Australia, ayaa ka digay in tallaabadani ay khatar gelin karto cilmi-baarista caafimaadka iyo difaaca muhiimka ah ee dalka.

Jaamacaduhu waxay sheegeen in qaar ka mid ah cilmi-baarayaasha dhaqaalaha ka helaya hay’adaha federaalka ee Maraykanka la waydiiyey inay qiimeeyaan sida ay shaqadoodu u waafaqsan tahay ajandaha madaxweyne Trump, kuwaas oo soo bandhigay su’aalo ka kooban 36 qodob.

Guddoomiyaha fulinta G8 Vicki Thompson ayaa ku yiri hadal uu soo saaray, “Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay saameynta ballaaran ee siyaasadaha maamulka Trump, maaha oo kaliya mustaqbalka caafimaadka iyo cilmi baarista caafimaadka, laakiin gaar ahaan iskaashiga difaaca”.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in G8 ay dalbadeen faragelinta dowladda Australia. Afhayeen u hadlay safaaradda Maraykanka ee Canberra ayaa diiday inuu faallo bixiyo, wasaaradda waxbarashada ee Australia ayaan weli dhankeeda ka jawaabin codsiga ay soo jeedinayeen cilmi baarayaasha.

Jaamacadaha G8 ayaa sameeya boqolkiiba 70% dhammaan cilmi baarista jaamacadaha Australia, Mareykankana ayaana ah saaxiibka ugu weyn ee cilmi baaristan, waxayna si wadajir ah u heleen ku dhawaad ​​$161.6 milyan deeqo ah oo ay ka heleen machadyada caafimaadka qaranka ee Maraykanka intii u dhaxaysay 2020 iyo 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here