
Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay, in Diyaaradaha Dagaalka ee Yahuuddu ay beegsadeen dhismo la deggan yahay oo ku yaalla caasimadda Dimishiq.
Dhankiisa, Raadiyaha Ciidamada Yahuudda ayaa sheegay, in ciidamadooda cirka ay weerar ku qaadeen xarun ay leeyihiin dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga ah ee Dimishiq, waa sida ay warka u dhigeene.
Channel-ka 12-aad ee Yahuudda ayaa sidoo kale sheegay, in bartilmaameedyada la weeraray ee Suuriya ay leeyihiin dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaami.
Balse dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaami oo kamida muqaawamada Falastiin wax war ah kama soo saarin sheegashooyinka Sahaayinada.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaalo muujinaya ciidamada difaaca madaniga oo daad gureynaya tiro dad ah oo ku dhaawacmay weerarka.
Waxaa xusid mudan in guumaystaha Yahuuddu uu weerar ku qaaday Tartus 3-dii March, waxa ayna ku dhawaaqeen, inay beegsadeen goob ciidan oo ku taalla magaalada Qardaha oo ay ku jireen hub ay lahaayeen Taliskii hore ee Suuriya.