Mareykanaka oo Dib u Bilaabay Kaalmadii Malatari ee uu siin jiray Yukrayn.

17
0
Sawir hore

Iyadoo ciidamada Ruushka ay isku sii fidinayaan gobalka Kuruska ee horay looga qabsaday, ayaa wararku waxay sheegayaan, in sahaydii hubka ee uu Maraykanku siini jiray dalka Ukraine ay dib u bilaabatay, kadib markii maamulka Trump uu hakiyay kaalmadaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Poland, ayaa ku dhawaaqay, in sahaydii hubka ee uu Mareykanka u keeni jiray Ukraine, iyadoo lasii marsiinayo Poland ay dib u bilaabatay, Kadib in ka badan siddeed saacadood oo wadahadalla uu ku dhexmaray Sacuudi Carabiya saraakiisha Ukraine iyo Maraykanka, Maraykanka wuxuu ogolaaday inuu dib u bilaabo kaalmadii milatari iyo xogahii sirdoonka ee uu la wadaagi jiray Ukraine.

Washington ayaa hakiyay gargaarkii ay siin jirtay Ukraine todobaadkii hore, kadib dagaal dhanka afka ah oo Aqalka Cad ku dhex maray Donald Trump iyo Volodymyr Zelensky.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amar ku bixiyay in ciidamadiisa ay si buuxda ula wareegaan gobalka Kuruska, kaas oo qaybo kamida ay sanadkii hore gacanta ku dhigeen ciimada Yukrayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here