Ciidamada Turkiga ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku dilay 24 dagaalyahan oo Kurdiyiin ah waqooyiga Ciraaq iyo Suuriya, wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay maanta oo khamiis ah, inay sii wadayaan weerarada ay ku ladagaalamayaan xooggaga Kurdiyiinta ee ka socda gobolka, kaddib markii uu ku baaqay hub ka dhigis hoggaamiyaha ururka PKK.
Hawlgaladan ayaa kusoo beegmaya ayadoo dhawaan ay heshiis gaar ah wada gaareen kooxaha Kurdiyiinta Suuriya ee lagu magacaabo Qasad, kuwaas oo uu Maraykanku taageero iyo xukuumada cusub ee Dimishiq.
Ilo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga oo ka hadlayay kulan kooban oo ka dhacay magaalada Ankara, ayaa sheegay in heshiiska dhexmaray xoogaga Kurdiyiinta ee SDF iyo Dimishiq aysan waxba ka bedeli doonin go’aankii Turkiga ee ahaa la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ee Suuriya.
Waxayna sidoo kale ilahan sheegeen inay weli dalbanayaan in maleeshiyada YPG ee hormuudka ka ah SDF ay si dhakhsiyo ah u kala diraan ciidamadooda, hubkana ay dhigaan.
Turkiga ayaa u arka kooxda SDF ee maamusha inta badan waqooyi bari Suuriya, koox argagixiso ah oo xiriir la leh kooxda la mamnuucay ee Kurdistan Workers Party (PKK), kuwaas oo muddo tobanaan sano ah waday kacdoon ka dhan ah dawladda Turkiga, waxa ayna qaaday weeraro dhowr ah oo ka dhan ah kooxda. Hogaamiyaha PKK oo ku xiran Turkiga ayaa ugu baaqay kooxda bishii hore inay hubka ka dhigaan.