Madaxwaynaha Ruushka oo Shuruudo Ku Xiray Inuu Aqbalo Xabad Joojinta 30-ka Maalin Ahayd ee uu Soo Jeediyay Trump.

18
0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu aqbalo soo jeedinta Mareykanka ee xabbad joojinta Ukraine, hase ahaatee wuxuu sheegay in su’aalo badan ay weli jawaab u la yihiin.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweynayaasha Belarusia iyo Moscow, ayaa looga hadlay soo jeedintii Maraykanka ee ahayd xabad joojin la dhex dhigo Yukrayn iyo Ruushka, Putin ayaana yiri, “Waan ku raacsannahay soo jeedinta lagu joojinayo colaadaha Ukraine, waase haddii ay horseeddo nabad waarta oo laga helo xal waara.

Madaxweynaha Ruushka ayaa ku tilmaamay fikradda xabbad joojinta 30-ka maalmood ah ee uu soo jeediyay maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inay tahay mid wanaagsan, laakiin wuxuu carrabka ku adkeeyay inay jiraan su’aalo halis ah oo ku gadaaman arrintaas, isagoo sheegay inuu baahan yahay faahfaahin sax ah in looga bixyo.

Putin ayaa ka cabsi qaba in Yukrayn ay hesho shixnado hub ah inta lagu guda jiro xabad-joojintan, taas oo ka imaanaysa dhanka dawladaha reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka iyo reer Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here