Shil Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca 20 Qof ayaa ka Dhacay Dalka Masar.

20
0

Wararka nagasoo gaaraya dalka Masar gaar ahaan Ismaamulka Ismaaciiliya ee bariga magaalada Qaahira, ayaa sheegaya inuu halkaas uu ka dhacay shil sababay dhimashada iyo dhaawaca 20 qof oo rakaab ahaa.

Shilkan ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen Tareen iyo gaari bas ah oo siday rakaab badan, kaas oo sababay dhimashada 8 qof iyo dhaawaca 12 kale, kuwaas oo loo gudbiyay xarumaha caafimaadka ee magaalada Qaahira.

War rasmi ah oo ka soo baxay maamulka tareenada Masar ayaa lagu shaaciyay faahfaahinta shilkan, iyadoo wasaaradda Caafimaadka ay dhankeeda  sheegtay in 13-Gaadiidka Ambalaasta ah oo aad u qalabaysan loo diray goobta uu shilku ka dhacay.

Masar ayaa sanadadii u dambeeyay marti galisay dhawr Shil oo ay sababeen tareeno iyo gawaari rakaab ah, waxaana dabayaaqada sanadkii 2024-ka ka dhacay magaalada Zagaziga shil tareen oo sababay dhimashada afar qof oo rakaab ahaa, halka 49 kalena ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here