Waa Kuma Yaxya Sinwar?

87
0

Yaxya Ibrahim Xasan Al-Sinwar wuxuu ku dhashay deegaanka Khan Yuunis ee koonfurta Marinka Gaza, taariikhu markii ahayd 29 Oktoobar , 1962-kii.

Yaxya Sinwar wuxuu waxbarashadiisa ku qaatay iskuulka Khan Yuunis, ka dib wuxuu ku biiray jaamacada Islaamiga Gaza, asagoo ku takhasusay luuqada carabiga.

Sinwar iyo Xamaas

Sinwar waxaa lagu tilmaama in uu yahay shaqsi muhiimad gaar ah siiya sirdoonka.

Waxa uu aaas-aasay 1980-kii jihaaz loogu magac daray ( Almajdi) oo shaqadiisu ay tahay la dagaalanka iyo dabagalka jawasiista gumaystaha Yahuuda, waxaana la sheega in uu toogtay jawasiis badan u shaqeenayay gumayastaha.

Noloshiisii xabsiga:

Markii ugu horreysay ee Yaxya Sinwar la xiro waxay ahayd 1982-kii wuxuuna xirnaa muddo afar bilood ah.

Sannadkii 1985-kii, ayaa mar kale la xiray siddeed bilood, ka dib markii ay ogaadeen gumaystaha Yahuuda in Sinwar uu dhisay jihaazka amniga Xamaas oo la dagaalamay jawasiista u shaqeeya gumaystaha.

Sannadkii 1988-kii, Yaxya Sinwar ayaa mar kale la xiray waxaana lagu xukumay afar mar oo xabsi daa’im ah (muddo udhiganta 426 sano).

Sinwar Intii uu ku jiray xabsiga wuxuu si fiican u bartay bulshada Yahuuda, wuxuuna si joogto ah ula socday waxa lagu daabacay warbaahinta gumyastaha Yahuuda, asagoo xabsiga ku dhex bartay luuqada cibraaniga.

Sinwar ayaa la sii daayay sanadkii 2011 ka dib hishiis maxaabiis isdhaafsi ah oo lala galay gumaystaha Yahuuda, waaxana lala sii daayay in ka badan kun maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu beddashay askariga katirsan gumaystaha Yahuuda oo lagu magacaabo Jilcad Shalit.

Sinwar oo ku Laabtay Siyaasadda:

Yaxya Sinwar ka dib markii uu helay xoriyadiisa waxa uu dib ugu laabtay siyaasadda, asagoo ka shaqeeyay isku xirka xafiiska siyaasadda Xamaas iyo hogaanka garabka hubaysan ee Guutada Cizzu Al-Din Al-Qassam.

Bishii Sebtembar 2015 , dawladda maraykanka ayaa ku dartay magaca Sinwar liiska madow ee waxa loogu yeero argagixisada caalamiga ah.

13 February, 2017, Yaxya Sinwar ayaa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee xarakada Xamaas ee marinka Gaza asagoo bedelay Ismaaciil Haniya.

May 15, 2021, gumaystaha Yahuuda ayaa duqeyn la beegsaday guriga Yaxya Sinwar, balse Sinwar ayaa maalmo ka dib warbaahinta ka soo muuqday.

Arinta dad badan ay ku tilmaameen geesinimo ayaa ahayd in Sinwar uu fariin warbaahinta ugu diray wasiirka difaaca ee maamula gumaystaha Yahuuda Benny Gantz, asago yiri”
Waxaan socod ku dhex maraaya wadooyinka magaalada Gaza, ee kaalaya iduqeeya hadaa awoodaan, muddo 60 daqiiqo ah ayaan ku tagaaya gurigayga.”

Yaxya Sinwar iyo hogaaminta xarakada Xamaas:

Sinwar ayaa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ururka Xamaas tan iyo 6 Agoosto, 2024 ka dib markii la dilay hogaamiye Ismaaciil Haniya.

Sinwar ayaa la rumaysan yahay in uu yahay qof kii abaabulay duullankii taariikhda galay ee “Duufaanta Al-aqsa” oo bilowday 7 Octoobar, 2023.

Gumaystaha Yahuuda ayaa ku tilmaamay doorashada Sinwar arin halis ku ah jiritaanka maamulka gumaystaha Yahuuda.

Dhinaca kale, falaanqeeyaha arrimaha Bariga Dhexe ee wargeyska “Times of Israel”, Avi Iskharov, ayaa sheegay in xarakada Xamaas ay u doorteen in uu hogaamiyo “hogaamiyihii ugu khatarta badana,” gaar ahaan tan iyo markii Israa’iil ay u aqoonsatay, in Sinwar uu qorsheeyay hawlgalkii duufaanta Al-Aqsaa 7-dii bishii Oktoobar, kaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid ciidanba, sidoo kale dhulka ku jiiday sumcaddii sirdoonkii iyo milaterigii gumaystaha Yahuuda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here