Ku Dhawaad 10 Qof oo ku Nafwaayay Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Waddan Dhaca qaaradda Ameerika.

20
0
Goobta uu shilku ka dhacay.

Wararka inaga soo gaaraya jamhuuriyadda Honduras ee dhacda qaaradda Ameerika ayaa tibaaxaya, in dalkaas ay ku burburtay diyaarad yar oo siday rakaab, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimaso iyo burbur.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay diyaarad yar oo ku dhacday badda xilli ay ka soo kacday jasiiradda Roatan ee Honduras, waxaana saarnaa 18 qof, sida ay sheegeen shaqaalaha dab damiska.

“Toban qof ayaa la soo badbaadiyay, waxaana hadda ka helnay isbitaalka, in lix qof ay dhinteen,” Major Wilmer Guerrero, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda dab-damiska ayaa u sheegay warbaahinta.

Waxa uu intaa ku daray, in markii dambe laga helay meydka hal qof oo dul sabaynayay badda ay diyaaraddu ku burburtay.

Shilka kadib, madaxweynaha Honduras haweenayda lagu magacaabo Xiomara Castro ayaa ku dhawaaqday, inay si deg-deg ah u hawlgelisay Guddiga Hawlaha Deg-degga ah, kuwaas oo ka kooban ciidamada qalabka sida, dabdamiska, iyo hay’adaha kale, si ay u caawiyaan dhibbanayaasha shilka.

Diyaaraddan oo lagu farsameeyay dalka Ingiriiska ayna leedahay shirkad lagu magacaabo Lancha, ayaa u kala gooshaysay jasiiradda Honduras ee waqooyiga dalkaasi iyo dhulweynaha Caribbean-ka. Dhiniciisa, sarkaal ka tirsan duulimaadka madaniga ah ayaa sheegay, in sababta shilku ay u badan tahay cillad farsamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here