Xasan Sheekh oo Itoobiya U Saxiixaya Badda Soomaaliya! Maxaa Farqi Ah oo u Dhaxeeyay Inuu Isagu Bixiyo & Inuu Muuse Bixiyo?

56
0

Dowladda wadanka Turkiga ayaa sheegeen in Itoobiya ay ka dhaadhiciyeen iney ixtiraamto madaxbannaanida Soomaaliya, dhanka kalana uu Xasan Sheekh u saxiixo badda Soomaaliya.

Tan micnaheedu wuxuu yahay in la laalayo MOU-gii ay kala saxiixdeen Muuse iyo Abiy, laguna badalayo heshiis rasmi ah oo DF iyo tan Itoobiya galayaan taasoo Ioobiya lagu siinayo badda Soomaaliya qeybo kamid ah.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” sidaasi waxaa yiri wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo dowladdiisu u xilsaaratay wadahadashiinta DF iyo Itoobiya.

Hakan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Istanbuul ayaa intaa ku daray in heshiiska cusub ee Itoobiya badda loogu saxiixayo uu dhawaan ka dhici doono magaalada Ankara ee caasimadda wadanka Turkiga.

Hadalka kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa u marqaati kacaya war ay horey u sheegtay Xarakada Al-Shabaab ee ah in DF aysan waxba ka qabin in Itoobiya qaadato badda Soomaaliya balse ay dooneyso kaliya qandaraaska saxiixa iyo dhaqaalaha lagu helayo.

Dhawaan waxaa magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ku kulmay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan iyo Abiy, waxaana la sugayaa oo kaliya dhaqan gelinta waxyaabihii ay isla soo karkariyeen oo ah in DF ay Itoobiya u sharciyeyso badda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here