Gumeystaha Yahuuda oo Xasuuq u Geystay Boqolaal Qof oo Salaada Subax Tukanaayay + Sawirro.

69
0

Gumeystaha Yahuuda ayaa saaka duqeyn ka geystay Iskuulka Al-Tabiciin, xiligii Saaladii Subax ayagoo beegsaday boqolaal qof oo tukanaayay.

Iskuulka Al-Tabiciin ee la duqeeyay ayaa ku yaala xaafada Al-Daraj ee bartamaha magaalada Gaza.

Waxaa ku shahiiday duqeyntaas argagixisnimo in ka badan 100 qof oo ay ku jiraan caruur yar yar iyo dad waayeel ah.

Iskuulka ayaa ahaa goob ay u soo qexeen Labo kun oo qof oo shacab ah.

Dhanka kale, xafiiska warbaahinta ee xukumada Gaza ayaa sheegtay in duqeynta Israa’iil ay ka geysatay dugsiga Al-Tabiciin uu ka dhashay xasuuq ay ku nafwaayeen in ka badan 100 shahiid ah iyo tobanaan dhaawac ah.

Agaasimaha Guud ee Xafiiska Warbaahinta xukumada xamaas ee Gaza, Ismaaciil Al-Thawabita, ayaa sheegay in Israa’iil ay duqeysay Iskuul ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah, ayadoo ku garaacday 3 Gantaal oo midkiiba uu culeyskiisu la egyahay 2,000 oo KG oo walxaha qarxa ah.

Ismaaciil ayaa intaa ku daray, “Aad ayay noogu adag tahay in la daabulno meydadka shuhadada , qaybaha jirkooda ee go’ go’ay ee kala firirsan iyo dhaawacyada.

Xasuuqaan ayaa qayb ka noqday xasuuqyada taariikhda galay ee ay geysteen gumaystaha Yahuuda oo tageero ka helaayo Mareykanka iyo dawladaha reer galbeedka.

“ Hadalkeyga wuu joogsaday oo waxaan lumiyay awooddii aan ku hadli lahaa oo aan ku cabiri lahaa markii wixii arkay markii aan gaaray goobtii uu xassuuqa kadhacay, xubnaha jirka oo jarjarmay iyo dhiigga shuhadada ayaa nagu wareegsan, ii sheega kelmado iyo weero ka caawin kara saxafiga inuu ku qeexo sawirkan naxdinta leh oo kale, Markii aan live ka ku sheegay in uu yahay “muqaal aan la soo koobi karin,” run ahaantii waxaan ahaa qof aan waxba qaban karin…. waan daalay oo i dhibtay tirada xubnaha jirka iyo dhiiga aan maanta arkay!….
Ayuu yiri Anas shariif wariyaha TV ga Al jaziira ee Gaza oo kasoo waramayay goob lagu dilay 100 qof oo salaad subax tukanaya!.

Inta badan wadamada caalamka ayaa dhaleeceeyay xasuuqa ka dhacay Iskuulka Al-Tabiciin ee magaalada Gaza.

Gumeystaha Yahuuda ayaa fursad ka helay wadamada xuduud beenaadka la leh Falastiin ee ka qayb qaatay go’doominta muslimiinta reer Gaza.

Hoos ka daawo sawirada xasuuqa Iskuulka Al-Tabiciin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here