Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan iyo La Dagaalanka Daroogada.

49
0

Axmed Ridaa oo ah wiil noloshiisa ay burburisay daroogada iyo maandooriyaha xiligii dalka Afgaanistaan uu Maraykanku gumaysan jiray, ayaa helay daryeel caafimaad oo ay siiyeen maamulka islaamiga ah ee Afgaanistaan.

Axmed oo ah qof ku fiican qoraalka khadka carabiga ayaa gacantiisa ku qoray Quraanka kariimka ah.

Waxaa muuqata in Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan ay guulo waa weyn ka gaartay la dagaalka daroogada faraha kulul ku haysay dalka Afgaanistaan.

Imaarada Islaamiga ah ayaa kumanaan qof oo isticmaalka daroogada ay noloshoodu dhaawacday ku guuleystay in ay dib ugu soo celiyaan nolosha wanaagsan iyo la dhaqanka bulshada ka dib markii laga joojiyay isticmaalka daroogada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here