Xaafadda Matariya ee magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa ka dhacay fal aad u fool xun, kasoo ahaa in Aabe uu nafta dhaafiyay gabar yar oo uu dhalay, kaddib markii uu jirdil u geysanayay muddo ku dhow 4 saacadood iyo bar.
Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar, baaritaanno ay samaysay waaxda baarista guud ee gobolka Qaahira iyo baaritaanno ay samaysay xeer-ilaalintu, ayaa lagu ogaaday in gabadhan oo ahayd 18-jirka loo geystay jirdil sababay geerideeda, kaddib muran xooggan oo dhex maray iyada iyo aabbaheed, waxaana la sheegay inay ku murmeen arrin iska fudud.
Wararka ayaa tibaaxaya, in Aabuhu uu siyaabo kala duwan u jirdilay gabadhiisa oo ay kamid tahay inuu feer xooggan la dhacay qaybo kala duwan oo jirkeeda ah, taasoo keentay inay aad u daciifto gabadha, kaddibna inaas kagama harine aad ayuu ugaraacay.
Wararka ayaa intaa ku daraya, in aabaha uu gabadha madaxa darbiga ugu dhuftay illaa ay miyir doorsoontay, balse taasina kumaysan xambaarin inuu uyeera ambalaas si loo geeyo isbitaalka.
Intaa kaddib, wuxuu Aabaha soo kululeeyay Midi, waxa uunu gubay qaybo kala duwan oo kamida jirka inantiisa si uu ugu qasbo in ay miyir doorsoonto, iyada oo inanta dareemaysa xanuunkii ugu badnaa, ayeey soo miyirsatayn, balse waxa uu sii waday in uu gacmihiisa ku feero illaa ay dhimatay.
Markii ay gabadhu geeriyootay, hooyadeed ayaa ku wargelisay dhacdadaas Waaxda baarista ee xaafadda Matariya, waxayna isla markiiba gacanta ku soo dhigeen eedaysanaha, isagoo loo sii gudbiyay dhanka xeer ilaalinta, waxaana lagu soo oogay inuu inanta si bareer ah udilay.
Sameh Xasan oo ka mid ah dadka dariska la ah eedaysanaha ayaa yiri, “aabahan had iyo jeer aad ayuu ugu xadgudbi jiray inanta uu dhalay, dadka jaarkuna waxa ay marar badan maqleen qaylideeda, iyagoo isku dayay inay soo dhexgalaan si ay u difaacaan inanta, balse dhammaan isku daygii ay sameeyeen ayaa lagu guul daraystay si looga hortago rabshada aabaha.
Waxa uu tilmaamay in maalintii uu fal-dembiyeedka dhacay ay dadka deriska maqleen qeylada inanta oo isku dayday in ay guriga ka baxsato, balse aabaheed ayaa ka hor istaagay, qeyladada ayaana socotay saacado badan, ka hor inta uusan aabaha kasoo bixin guriga isagoo aad moodda inuu meesha ka cararayo.
Dhacdadaan ayaa hadal ahayn wayn ka dhalisay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto, iyadoo la iswaydiinayo naxariisa darrada waalidkaan nafta naafiyay inantiisii kasoo go’day jirkiisa.