Afghanistan oo Markii Ugu Horeysay Ka Faa’iidaysanaysa Tamarta Dabaysha Laga Dhaliyo.

33
0

Imaarada islaamiga ah ee Afgaanistaan ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo ku aaddan dhanka is-ku filnaanshaha korontada iyo horumarinta ilo tamareed nadiif ah, iyadoo markii ugu horreysay dalka laga hirgeliyey saldhig koronto oo ku shaqeeya tamarta dabaysha.

Mashruucan, oo awooddiisu gaareyso 200 megawatt, ayaa laga hirgeliyey gobolka Hirat, waxaana si rasmi ah xarigga uga jaray amiir ku xigeenka arrimaha dhaqaalaha ee dawladda Islaamiga ah, Mullah Cabdul Ghani Baradar.

Saldhigan cusub ayaa ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee laga dhiso gudaha Afghanistan, waxaana uu u taagan yahay isbeddel weyn oo dhanka horumarka waara ah, isagoo muujinaya go’aanka dawladda ee ku aaddan in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka sida tamarta la cusboonaysiin karo.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mashruucan uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha gudaha, yaraynta ku-tiirsanaanta tamarta dibadda laga keeno, iyo daboolidda baahida sii kordheysa ee shacabka u qabo koronto.

Mashruucani wuxuu caddeyn u yahay sida dawladda Islaamiga ah ee Afghanistan ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo dhisidda mustaqbal tamareed oo nadiif ah, waara, isla markaana suurtagal ka dhigaya nolol ka wanaagsan shacabka reer Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here