Madaxa golaha madaxbanaanida ahna taliyaha ciidamada Suudaan Abdel Fattah al-Burhaan ayaa sheegay, in dawladiisu aysan wax wadahadal ah lagali doonin ciidamada Taageerada Degdegga ah, isagoo ku baaqay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan, sidii ay u soo afjari lahaayeen maleeshiyaadka Dacmu sariic.
Intii uu ku guda jiray booqashadii uu ku yimi magaalada Shendi ee waqooyiga Suudaan, Al-Burhaan waxa uu beeniyay suurtagalnimada in mar kale ay wada xaajood la galayaan ciidamada Taageerada Degdegga ah, waxaana uu shaaca ka qaaday in ciidamo xoojin ah oo ka socda xooggaga isku dhafka ah ay u direen magaalada Al-Fasher ee Waqooyiga Darfur, si meesha looga saaro maleeshiyaadka Taageeradda degdegga ah.
Al-Burhaan ayaa ku celceliyay in aysan ka waaban doonin dagaalka, illaa laga xoreynayo dhammaan dhulka Suudaan, isla markaana lala xisaabtamayo dambiilayaasha dambiyada ka galay shacabka Suudaan.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya ayadoo dhawaan ay madaxda kooxda Dacmu sariic ay ku dhaqaayeen inay dhisi doonaan dawlad ka madax banana tan uu haatan hogaamiyo Cabdifatax Al-Burhaan.