Al-Burhaan oo Booqday Warshadda Sifeysa Saliida ee Al-Jili oo Dhawaan Lagu Gubay Weerar ay Fuliyeen Ciidamada RSF.

30
0

Cabdifataax Al-Burhaan oo ah hogaamiyaha dawladda Suudan, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay Warshada Sifeysa Saliidda ee Al-Jili oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Khartoum, kaddib markii ay Ciidanku horay u shaaciyeen in ay dib ula wareegeen gacan ku heynta Xaruntan oo ay in mudo ah ka socdeen dagaallo ay ciidamada dawladu ay kula galeen xooggaga RSF-ta.

Tani waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo Taliyaha Guud ee Ciidanka Suudaan, Maxamed Cismaan Al-Xuseen uu xaqiijiyay in ciidammada Suudaan ay go’adoominta ka qaadeen Ciidamadii ku jiray go’adoonka, kuwaas oo mido sanad iyo bar ah ku go’adoonsanaa  Xarunta Taliska Guud ee magaalada Khartoum.

Al-Burhaan ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu ballan qaaday in uu dib u dhisi doono kaabayaashii muhiimka ahaa ee ay maleeshiyadu burburiyeen oo ay kamid tahay warshadda sifeysa saliida, taas oo la filayo dhawaan inay dib ugu soo laabato howlaheeda caadiga ah ee soo saarida saliida.

Madaxwaynaha ayaa intaas ku daray Shacabka waxa aanu ku boorinaynaa in ay sii wadaan dagaalka adag ee ay kula jiraan cadowga, wuxuuna balan qaaday inay dagaalka sii wadi doonaan illaa ay xooggaga RSF ka nadiifin doonaan taako kasta oo ay wasakheeyeen oo kamida dalka Suudan.

Ilo-wareedyo sare oo ka tirsan militariga Suudaan ayaa horay Aljazeera ugu xaqiijiyay in ciidanku ay ku guuleysteen in ay dib ula wareegaan gacan ku heynta warshadda sifeysa saliida ee Jili ee waqooyiga Khartoum.

Askarta ciidamada Suudaan ayaa baahiyay sawirro muujinaya duulaanka ay ku galeen warshadda Jili iyo xafiisyada adeegga amniga ee ciidanka, waxaana sidaas lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaarada warfaafinta ee dawladda  Suudan.

Magaalada Al-Jili ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay, iska hor imaadyo rabshado wata oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Suudaan iyo Xooggaga Taageerada Degdegga ah, iyadoo Ciidamadu ay doonayeen in ay gacanta ku dhigaan dhufeysyadii ugu dambeeyay ee Ciidamada Taageerada Degdegga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here