Guutada Al-Qassam ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgal shalay lagu qaaday deegaanka Ariel ee Daanta Galbeed, kaas oo lagu dhaawacay 9 qof oo Yahuudd ah, kuwaas oo qaarkood dhaawacooda halis yahay.
Al-Qassam ayaa u tacsiyeeyay halyeeygii ka dambeeyay howlgalkaas oo lagu magacaabo Samer Muxamed Xuseen, waxayna sheegtay in uu ka soo jeedo tuulada Ainbus ee koonfurta Nablus, uuna ahaa 46 sano jir.
Idaacadda ciidamada guumaysiga Yahuudda ayaa sheegtay, in ninka weerarka fuliyay uu ka yimid dhanka Nablus, kaddibna uu rasaas ku furay bas ka yimid magaalada Tel Aviv, ka hor intaysan askarta ilaalada waddooyinka u suuragalin in ay dilaan.
Ciidamada guumaystaha ayaa kordhiyay weerarada iyo xadgudubyada ay ka geysanayaan daanta galbeed oo ay ku jirto bariga Quddus, taas oo keentay in la dilo 797 falastiiniyiin ah,iyada oo ay ku dhaawacmeen illaa 6,600 oo qof, iyadoo xabsiga loo taxaabay illaa 11,800, sida ay sheegtay xogta rasmiga ah ee Falastiin.
Dhanka Gaza, Xasuuqa Yahuudda waxaa ka dhashay Kumanaan dhimasho iyo dhaawac ah, oo u badan caruur iyo haween, iyadoo ay jirto burbur iyo macaluul baahsan oo galaaftay tobanaan carruur iyo waayeel ah.