Xogaha aan ka helayna gobalka Sh-dhexe ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya, in guutada jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay duhurnimadii maanta Madaafiic ku garaaceen saldhigyada askarta Dowladda Fedaraalka ay ku leeyihiin degmada Aadan-Yabaal ee gobalkaas.
Xogta aan helnay ayaa sheegaya in madaafiicda ay ku hoobteen gudaha saldhigyadaas, waxaana lasoo warinayaa iney khasaare geysteen madaafiicdaas.
Malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarrada ka dhanka ciidamada dowladda Fadaraalka ee ku dagmadaasi.