Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka India Narendra Modi maanta oo Talaado ah, kulankaas oo looga arinsanayay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Bayaan ka soo baxay Amiirka Qatar ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Hindiya uu rajaynayo in booqashada Amiirka Qatar ay ka qeyb qaadan doonto xoojinta xiriirka labada dl.
Dhankiisa, Tamim bin Hamad ayaa tilmaamay in labada dal ay lee yihiin xiriir taariikhi oo qoto dheer, isagoo carabka ku adkeeyay in India ay tahay mid ka mid ah saaxiibada dhaqaale ee ugu muhiimsan dowladda Qatar.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, loona horumarin lahaa, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, iyo tamarta, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay arrimo badan oo gobolka iyo caalamka la xiriira.
Madaxda dalalka carabta ayaa albaabadooda u furay hogaamiyayaasha gaalada, ayagoo hantidii iyo dhulalkii islaamka u gacan galiyay wadamada shisheeye ee boobka ku haya khayraadka umadda.