Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu-Cubaydah ayaa fariin dhaxal gal ah u diray shacabka Reer Masar, isagoo ugu baaqay in ay wiilashood ka ceshadaan u adeegida Yahuudda, dhanka kalana aysan askartoodu qayb ka noqon duulaanka lagu hayo dalkeena Soomaaliya.
Amiirka oo hadalkisa sii wata ayaa yiri, “Waxaan halkan Fariin uga dirayaa shacabka muslimka ah ee Masar, culimadooda, aqoonyahanadooda iyo indheer garadkooda, walaalayaal wiilasha aad tacliinta iyo tacabka kula tacaalayseen waa tiiraanyo inuu Cabdifataax Al-Siisi ka dhigto xaabo uu dabka ku huriyo, hadii aad nafta huraysaan oo ay geeri ubareerayaan ma ahayn inaad hoos gaysaan daaquudka danihiisa gaarka ah fiirsanaya oo ku khamaaraya nolosha wiilashiina, taas caksigeeda waxay ahayd inaad wiilashiina u dirtaan jiida Qaza, si ay Yahuudda ula dagaalamaan halkaasna ay uga helaan shahaado dhab ah oo uu Allaah raali ka yahay, waxaa ayaan daro ah in Cabdifataax Al-Siisi uu qayb wiilashiina kamida udiro inay go’adoomiyaan reer Qaza oo ay Yahuudda u ilaaliyaan dhaqdhaqaaqa Rafax, qayb kalana uu usoo diro Soomaaliya, si uu ula dagaalamo dadka Muslimka ah ee Soomaaliyeed, Itaas markay dhacayso wuxuu ku guuldaraystay inuu reer Masar usoo dhacsho biyaha wabiga Niil oo ay Itobiya u samaystay dhaan biyood, waxaadna halkaas ku ogaanaysaan inuu u xoog badan yahay umadda taagta daran ee Muslimiinta ah, haduu Allaah idmo waxay ciidanka Soomaaliya loosoo dirayo mari doonaan jidkii ka horeeyay ee ay ku halaagsameen ciidamadii kusoo duulay dalkan Muslimka ah ee Soomaaliyeed”
Fariintan uu Amiirka Xarakada Al-Shabaab u dirayo Masar ayaa imaanaysa ayadoo mudooyinkii dambe ay dawladda fadaraalku heshiisyo lasoo saxiixatay Qaahira, si loo keeno dalka ciidamo cusub oo ka socda Masar, kuwaas oo qayb ka noqonaya, waxa loogu yeero hawlgalka AUSSOM.