Angola oo ku Talo Jirta in Dalkeeda uu Marti Galiyo Wada-hadal Toos ah oo dhexmara Kongo iyo M-23.

24
0

Wada-xaajood nabadeed oo toos ah ayaa Angola ka furmi doona talaadada soo socota, kaas oo u dhaxaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo  iyo fallaagada M-23, kuwaas oo la wareegay gacan ku haynta dhul ballaaran oo kamida Bariga Kongo , sida ay Arbacadii ku dhawaaqday madaxtooyada Angola.

Angola ayaa doonaysa, in ay dhexdhexaadiso xabad joojin joogto ah iyo in la qaboojiyo xiisada u dhaxeysa Kongo iyo dalka dariska la ah ee Rwanda, oo lagu eedeeyay in ay taageerto fallaagada uu hogaamiyo Tutsi-ga. Halka Rwanda ay iska fogaysay eedaymahaas.

Dowladda Kongo  ayaa horay u diiday inay wadahadal la gasho dhaqdhaqaaqa falaagada ah ee M-23, waxayn sheegtay, inay  shalay un ka war heshay hindisaha Angola.

Tina Salama, oo ah afhayeenadda madaxweynaha Kongo  ayaa sheegtay, in dowladda ay casuumaad ka heshay Angola, balse ma aysan xaqiijin ka qeybgalka.

Qoraal uu soo dhigay barta “X”, hogaamiyaha M-23 Bertrand Bisimwa waxa uu ku faanay in uu madaxweynaha Kongo  ku qasbi doono miiska wada xaajoodka, isaga oo sheegay, inay tahay, ikhtiyaarka kaliya ee lagu xallin karo xiisadda hadda jirta, taas oo aad uga sii dartay tan iyo bishii Janaayo.

Fallaagada ayaa tan iyo bishii Jannaayo la wareegay labada magaalo ee ugu waaweyn bariga Kongo , taasoo sii kordhisay colaadda muddada dheer ka socotay Kongo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here