Aqlabiyadda Shacabka Yahuudda oo aaminsan in Sahaayinadu aysan ka adkaanin Xizbullaah (Warbixin).

13
0

Ra’yi ururin laga baahiyey Channel 13 ee Yahudda ayaa muujisay in aqlabiyadda ugu badan ee shacabka Sahaayinada ay aaminsan yihiin in  maamulka Yahuudda aanay ka adkaanin ururka Xizbullaah ee Lubnaan, waxayna arrintani ku soo beegantay xilli lagu dhawaaqay, in labada dhinac heshiis laga gaaray sidii loo soo afjari lahaa iska hor imaadka furan ee socda muddo ka badan laba bilood.

Boqolkiiba 60.8% jawaab bixiyaasha ayaa aaminsanaa in Yahuudda aysan guul ka gaarin Xizbullaah, halka Boqolkiiba 25.8%  oo kaliya ay aaminsanaayeen in Sahaayinada ay guuleysatay, tira dhan Boqolkiiba 13.4%  ayaa sheegay inaysan hubin cidda gacan saraysa labada dhinac.

Boqolkiiba  44% ayaa sidoo kale taageeray in la soo afjaro dagaalka Lubnaan,halka Boqolkiiba 37% ay ka soo horjeesteen in wax wada xaajood ah lala yeesho Xizbullaah.

Dhanka Gaza, ra’yiururinta ayaa muujisay in Boqolkiiba 65.7% ay aaminsan yihiin in dagaalka ka socda Marinka la soo afjaro oona la raadiyo waddo lagu soo celinayo maxaabiista ku jeebaysan xabsiyda muqaawamada Falastiin.

Sidoo kale Boqolkiiba 67.4% ka qaybgalayaasha ra’yiururintaan waxay ku jawaabeen inay taageersan yihiin  in la sameeyo guddi dawladeed oo baaritaan ku sameeya waxa ay u arkaan inay ku fashilantay Tel Aviv Oktoobar 7, 2023, iyadoo laga bilaabayo dagaalka Duufaanta Al-Aqsa, kaas oo Yahuudda u geystay khasaare aad u weyn.

Talaadadii, golaha ammaanka ee Sahaayinada ayaa ansixiyay heshiis xabbad-joojin ah oo lala galo Ururka Shiiciga ee Xizbullaah.

Kulanka kaddib, Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda, Benjamin Netanyahu, ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay, in heshiiska uu horgeyn doono Golaha Wasiirada, uuna dhaqan geli doono Arbacada, Waxa uu daaha ka qaaday, in Yahuudda ay sii wadi doonto waxa uu ku tilmaamay  dhamaystiranka xorriyadda ay uga hawl-gasho Lubnaan, haddii ay Xizbullaah jabiso heshiiskana waxa uu carrabka ku dhuftay in ay Yahuudda si xooggan uga jawaabi doonto.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Netanyahu iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka Yahuudda ayaa dhaleeceeyay heshiiska, sababtoo ah wuxuu yimid ka hor inta aan Xizbullaah laga adkaanin ciidan ahaan, ayna shacabka Yahuudda ee deggan waqooyiga aysan haysanin dammaanad nabadeed, oo ay dib ugu soo laabtaan deegaanadii horay loogu deegaameeyay ee waqooyiga dhulka  Falastiin ee gumaysiga ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here