Ilo dhanka amaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in tiro ka tirsan ciidamada amaanka lagu dilay kuwa kalana lagu dhaawacay iska horimaad u dhaxeeyay ciidamada amaanka guud ee wasaarada arimaha gudaha Suuriya iyo canaasir ka tirsan haraadiga maamulkii la afgambiyay, iska horimaadkan ayaa ka dhacay deegaanka Ras al-Shaara ee dhulka baadiyaha ah ee Hama.
Ilahan ayaa sheegay, in iska horimaadku uu yimid kaddib weerar gaadmo ah oo ay fuliyeen haraadiga maamulkii Bashaar Al-Asad ee talada laga tuuray, waxaana lala beegsaday gaadiid ay lahaayeen ciidamada ammaanka guud ee xiriirka la leh wasaaradda arrimaha gudaha Suuriya.
Weriye ka tirsan warbaahinta caalamiga ah ee Al-Jaziira oo lagu magacaabo Omar Hourani ayaa sheegay, in weerarku uu ka dhacay goobta ugu balaysa maamulka gobolka Hama, taas xigta dhanka magaalada Latakiya, waxaana laga yaabo inay muujineyso ku lug lahaanshaha haraadiga ciidamadii la dagaalamayay Latakiya.
Waxa uu sharaxay in baadiyaha Hama ay ka dhaceen weeraro dhowr ah oo dhacay 6-dii iyo 7-dii bishan, xilli ay ciidamada ammaanku beegsadeen haraadiga taliskii hore ee Latakia iyo Tartus.
Waxa uu tilmaamay in ciidamada ammaanku ay iska caabiyeen weerar shalay lagu beegsaday koontaroolka Azhari ee Latakiya, sidoo kalena ay ka heleen bakhaar hub ah oo ku yaalla baadiyaha Qardaha.
6-dii bishii Maarso, gobolka xeebta ee Suuriya waxaa ka dhacay xiisado amni kaddib weeraro abaabulan oo ay fuliyeen hadhaagii maamulka Asad, weraradan ayaa ahaa kuwii ugu xumaa tan iyo markii taliska uu dhacay bishii December ee lasoo dhaafay.
Intaasi kaddib dawladda cusub ee Suuriya ayaa isku dayday inay abaabusho ciidamada nabad sugid ah, waxaana la sameeyay howlgalo lagu baacsanayo haraadiga rajiimkii Asad, waxaana howlgaladaas ka dhashay iska hor imaadyo rabshado wata oo ka dhacay magaalooyinka xeebaha ku teedsan.