Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weerar dhabbo-gal ah oo ay ciidamada Al-Shabaab ku beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo kolonyo ah lagu dilay Askar iyo Saraakiil ka tirsan maamulkaas.
Weerarkan ayaa dhacay saaka xilli maleeshiyaadka Laftagareen ay dhaqdhaqaaq ka wadeen duleedka degmada Xudur.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka la weeraray laga dilay ugu yaraan 7 askari oo labo ay yihiin saraakiil, halka 14 kalena oo nin sarkaal ah uu ku jiro ay dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarkaasi lagu gubay gaari Cabdi Bile ah oo uu saarnaa qori dhashiike ah, kaas oo maleeshiyaadku isla goobta ay kaga carareen.