
Qarax ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab saaka ka fuliyeen gudaha Afgooye ayaa lala eegtay gaari uu la socday sarkaal lagu magacaabi jiray Gaashaanlle dhexe Maxamuud Saleebaan oo ahaa abaanduulaha Ururka 54-aad ee guutada 7-aad ee ka howlgasha inta u dhaxayso Afgooye iyo Balli-doogle.
Qaraxan waxaa ku dhintay sarkalkan iyo saddex ka tirsan ilaaladiisa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex ka tirsan ilaaladiisa.
Sarkalkan wuxuu sidoo kale ahaa, nin la shaqeeya ciidamada Maraykanka ee ku sugan Balli-doogle, una soo qori jiray jawaasiista, isla markaana dhibaato xooggan u geysan jiray shacabka ku dhaqan deegaanno ka tirsan Sh/hoose.
Wararka ayaa intaasi ku darayo, inuu sidoo kale, qaraxan uu ku dhafwaayay taliyihii saadka ururka 54-aad ee guutada 7-aad oo lagu mgacaabi jiray Xasan.
Millatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xoojiyay hawgallada ka dhanka ah ciidamada dowladda Fadaraalka.