Askar iyo Saraakiil Yahuudda ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Wiish Kusoo Dumay Marainka Qaza.

37
0

Ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay maanta oo Khamiis ah, dhimashada sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada Yahuudda iyo dhaawaca 8 kale, kaddib shil ka dhashay wiish ku soo dumay goob ay ku sugnaayeen, kaas oo ka dhacay waqooyiga Marinka Qaza.

Taliska ciidmada Yahuudda ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in labada askari ee dhintay midkood uu ahaa gaashaanle Sare oo ka tirsanaa ciidanka kaydka ee guutada 51-aad ee guutada Golani, halka ay jiraan illaa 8 askari oo ku dhaawacmay dhacdadan.

Dhankeeda, warbaahinta rasmiga ah ee Yahuudda ayaa sheegtay, in wiishku uu usoo dumay dabaylo xooggan oo ku dhuftay uuna ku dul dhacay teendho ay ku jireen askartan Yahuudda ah. Dhacdadan ayaa imaaneysa iyadoo Marinka Qaza iyo deegaanada ku dhow ay ka jiraan dabaylo xooggan oo wata roobab mahiigaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here