Wararka kasoo baxaya jiida Qazza ee go’adoonsan ayaa tilmaamaya in maanta ciidamada muqaawamada Falastiiniyiintu ay dileen askar ka tirsan maamulka Yahuudda, halka ay dhaawaceen tiro kale, kuwaas oo qaar kamida ay xaaladoodu aad u liidato.
Warbaahinta Yahuudda ayaa kusoo warantay, in hal askari uu ku dhintay afar kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, kaddib markii gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada Yahuudda lala beegsaday walxaha qarxa, kaas oo marayay xaafadda Atufaax ee bariga Qazza.
Ilahan ayaa intaas ku daray, in dagaallo ba’an ay ciidamada gumaysiga iyo kuwa wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay maanta ku dhexmareen, goobo kala duwan oo ku yaalla waqooyiga marinka Qazza, iyagoo xusay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtariska ay daabulayan dhaawacyada ciidamada Yahuudda ee lagu laayay dagaaladii maanta ka dhacay deegaanno ku yaalla waqooyiga marinka Qazza.
Ciidamada Yahuudda ayaa dib u bilaabay duulaankoodii dhulka ee ay ku hayeen jiida Qazza, waxaana durba ay la kulmayaan dhiig-bax degedeg ah, iyagoo halkaas maanta kula kulmay dharbaaxo culus, taas oo dib u xasuusisay maalmihii adkaa ee ay kala kulmeen duulaankii kan ka horeeyay ee ay Marinka Qazza inteeda badan kaga baxeen bilo kahor.