Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay, in askar Israa’iiliyiin ah ay qirteen in ay galeen dambiyo dagaal, sida inay bar-tilmaameedsadeen dadka aan isdifaaci karin, burburinta iyo bililiqada guryaha aan khatar ku ahayn intii ay ka qayb qaadanayeen gardarrada joogtada ah ee ka dhanka ah Marinka Gaza.
Wakaaladdu waxa ay sheegtay, in illaa 200 oo askari oo Yahuud ah ay saxeexeen warqad ay ku sheegayaan inay joojinayaan dagaalka haddii xukuumadda Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu aanay galin heshiis xabbad-joojin ah.
Waxay sharraxday Wakaaladdu, in askarta Sahaayinda ee diiday inay ka dagaallamaan Gaza ay sheegeen, inay arkeen ama sameeyeen waxyaabo ka soo horjeeda akhlaaqda.
Waxa ay intaas ku dartay, in tiro ka mid ah askarta Yahuudda ay qirteen in ay heleen amar ah in la gubo ama la dumiyo guryaha aan wax khatar ah ku haynin ee ay leeyihiin shacab reer Falastiin, waxayna sheegeen, in ay arkayeen askar dhac iyo boob u geysanaya guryaha dadka rayadka ah.
Mid ka mid ah askartaasi ayaa sheegay, in la faray in la toogto cid kasta oo soo gasho goobaha ay ka taliyaan, wuxuuna caddeeyay, in uu arkay qiimaha nolosha bini’aadamka oo meesha ka baxaysa muddadaas, isagoo xusay, in aysan xasuustiisa ka go’in sawirka dhallinyaro Falastiiniyiin ah oo aan hubaysnayn, kuwaas oo si bareer ah ay ulaayeen askarta Sahaayinada.
Dhakhtar Yahuuddi ah oo ku dhawaad labo bilood ku sugnaa Gaza ayaa sidoo kale sheegay, in askartu ay wasakheeyeen guryihii ayna bililiqeysteen hantidii, iyagoo u ururuursanaya ka xusuus ahaan.
Mid ka mid ah askartaasi ayaa qirtay inuu ka qeyb galay dambiyo dagaal oo ka dhacay Marinka, wuxuuna muujiyay sida uu uga xun yahay falka uu geystay, halka tiro ka mid ah saaxiibadiisna ay sheegeen inay ku qaadatay waqti inay tiriyaan jaraa’imtii ay ku arkeen Gaza.
Askarta saxiixday warqadda, iyaga oo adeegsanaya isbahaysi loogu magac daray “Askarka la haystayaasha ah”, ayaa doonaya in ay dardar dheeraad ah galiyaan hawlaha ay u istaageen, iyagoo qabanaya munaasabado iskuna dayaya inay ku qanciyaan askar badan si ay ugu soo biiraan.
Taas bedelkeeda, askartii ka dagaalantay Gaza ayaa dhaleeceeyay kooxdan, iyagoo u arkay arinkaas inay tahay dharbaaxo kale oo ku dhacday, maadaama ay Sahaayinada dagaalka marinka Gaza kuwaysay boqollaal kamida askarteeda.