Weerar hubaysan oo lagu qaaday ciidamada dowlada Hindiya ee xoogga ku haysata qaybo ka mid ah gobolka Kishmiir ayaa laga dilay 2 askari sidoo kalena waxaa laga dhaawacay 2 kale.
Weerarkaan ayaa dhacay iyadoo maalmo yar ay ka dhiman tahay, doorasho maxalli ah oo la qorsheynayo iney ka dhacdo gobalka Kishmiir.
War kasoo baxay boliska Hindiya ayaa xaqiijiyay, geerida askarta lagu dilay weerarka oo si gaar ah kaga dhacay mandiqadda Kishtwar ee ku taalla gobalka Kishmiir.
Dowladda Hindiya ayaa ku dhawaad 500 oo kun oo askari waxa ay udirtay gobalka Kirshmiir, si ay uga hortagaan kooxaha ka dagaallama Kishmiir, waxaana duullaanka ciidankaas oo billawday sannadkii 1989 uu sababay geerida tobannaan kun oo ruux oo isugu jira dad rayid ah, askar katirsan dowladda Hindiya iyo kooxaha ka dagaallama gobalka.
Labadii sano ee la soo dhaafay, in ka badan 50 askari oo Hindi ah ayaa lagu dilay iska horimaadyo magaalada Jammu.
Dagaalyahano muslimiin ah ayaa ka dagaalama gobolka Kishmiir ayagoo u halgamaaya in ay iska dulqadaan dowlada gumaystaha Hindiya.