Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed lagu dilay magaalada Baydhabo.
Ugu yaraan 2 askari oo katirsan maamulka Koonfur-galbeed ayaa lagu dilay weerarkaas. Sidoo kale ciidamada Alshabaab ayaa qoryihii ay wateenna ka furtay.
Weerarka ayaa si gaar ah ooga dhacay isbaaro askarta u tiillay gudaha magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.