Ciidamada Mareykan ka ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa la kulmay weerar culus.
Weerar ka ayaa ka dhacay saldhigga Caynu al-Asad ee ku yaala galbeedka dalka Ciraaq.
Pentagon-ka ayaa sheegay in askar Mareykan ah ay ku dhaawacmeen gantaal lagu weeraray saldhigga Caynu al-Asad ee dalka Ciraaq, waxayna sheegeen in ay wadaan qiimeynta khasaaraha ka dhashay gantaallada lagu weeraray saldhigga.
Dhanka kale, saraakiil Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan ilaa 5 askari oo Mareykan ah lagu dhaawacay weerar lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaal Ciraaq saacadihii la soo dhaafay.
Saraakiisha oo magacyadooda qariyay ayaa intaas ku daray in weerar ka loo maleynayo in loo adeegsaday gantaallo.
Sacaadihii la soo dhaafay ayuu mar kale la kulmay saldhigga weerar labaad oo loo adeegsaday gantaalo.