Warbaahinta Yahuudda ayaa mar sii horreysay sheegtay, in ay Labo askari oo mid kamida uu ahaa Sarkaal sare ay dhinteen, halka shan kalena ay dhaawacmeen, kaddib markii ay xooggaga muqaawamadu beegsadeen guri ay ku sugnaayeen, gurigan ayaa ku yaallay magaalada Rafax ee koobfurta marinka Qaza.
Ciidanka Yahuudda ayaa qirtay in laga dilay sarkaal sare, kaas oo ahaa taliyihii qaybta 7107 ninka lagu magacaabo General Nahal, iyo askari kale oo lagu dilay koonfurta Marinka Qaza, iyadoo aan la sheegin gaar ahaan goobta uu dalkan ka dhacay.
Sarkaalkan ayaa sawirkiisa lagu faafiyay baraha bulshada, waxaana si aada laiskula dhex marayaa muuqaal uu kasoo muuqanayo isagoo duqayn ka gaysanaya marinka Qaza kuna faanaya, balse ugu dambayntii shalay ayaa bakhtigiisa la waray fagaaraha cisiga ee Marinka Qaza.