Ciidamada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay dagan yihiin ciidamada Xabashida Itoobiya.
Saldhiyada la weeraray ayaa ku yaala degmada Waajid gobolka Bakool ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool gaar ahaan degmada Waajid ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Xabashida lagu dilay askari Itoobiyaan ah halka tiro kale lagu dhaawacy.
Sida aan wararka aan ku helayno, dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray ciidamo Itoobiyaan ah oo waardiye ka hayay saldhigga ciidanka Xabashida ee kuyaal garoonka diyaaradaha degmada Waajid.
Shalay ayay aheyd markii qarax ka dhacay degmada Qansaxdheere lagu dilay dhowr askari oo Itoobiyaan ah.