Askari Yahuuddi ah oo Lagu Toogtay Magaalada Jabaliya ee Waqiiyiga Marinka Qaza.

20
0

Guutooyinka Al-Qassam  garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamas  ayaa sheegay, in dagaalyahanadooda wax iska caabinta ay toogteen  askari Yahuuddi ah, kaas oo lagu dilay meel u dhow agagaarka Zamo, ee bariga magaalada Jabalia, taas oo dhacda  waqooyiga marinka Qaza.

Guutada Al-Qassam ayaa shalay Isniintii baahisay sawirrada askariga la toogtay, askarigan Yahuuddka ah ayaa lagu beegsaday isaga oo lasocda gawaari maraysay deegaanka Al-Saftawi ee magaalada Qaza.

Sidoo kale muqawamadu waxay sheegatay in ay duqayn ku beegsadeen fariisimaha ay ciidamada Yahuuddu ku lahaayeen  Niriim iyo Ceyn thulathaa, iyaga oo la beegsaday tiro gantaallo ah oo ah nooca 114 mm Rajoum.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here