Askarta Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Khasaaro Xoggan Lagu Gaarsiiyay Weerar Lagu Qaaday Isbaaro U tiilay Sh/Hoose.

24
0

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weerar ku qaadeen, isbaaro ay askarta Dowladda Fedaraalka dhigteen halka loo yaqaano Dalbiyaanka oo u dhaw deegaanka Danow oo katirsan gobalka Sh-hoose.

Sida aan ku heleyno warar lagu kalsoon yahay ilaa 2 askari oo katirsan ciidamada DF ayaa lagu dilay weerarkaan.

Sidoo kale militeriga Alshabaab ayaa weerarka ku furtay qoryihii iyo booshashkii ay hubeysnaayeen ciidamada la weeraray.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa inta badan gobalada dalka waxay ka fuliyaan weeraro ay ku beegsadeen askarta isbaarooyinka dhigta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here