ATMIS oo Qiratay Xasuuqii Buulomareer.

72
0

Taliska ciidamada shisheeye ee ATMIS ayaa qoraal uu soo saaray ku qirtay in ciidankoodu ka dambeeyeen gumaadkii naxariis darrada ahaa ee lagula kacay sadax qof oo shacab ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu xaqiijiyay in askartooda heysta Buulomareer ay si ula kac ah u dileen dadka rayidka ah, waxayse ku afgobaadsadeen iney baaritaan ku sameynayaan wixii dhacay.

Taliska ciidamada shisheeye ayaa caan ku noqday inuu hal nooc oo kaliya uga hadlo xasuuqa iyo kufsiga ay ciidamadoodu geystaan kuwaasoo mar walba oo ay arkaan dareenka carada leh ee shacabka soo saara qoraal ay ku sheegayaan iney baarayaan dhacdada, dibna looma arko natiijada baaritaankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here