Hogaamiyaha dhabta ah ee Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa dhaleeceeyay dhul-qabsiga Yahuudda iyo weerarrada socda, laakiin waxa uu sheegay in waddanku “aad uga daalay” colaad cusub.
Yahuudda ayaa sii wadda duqeymaha ay ku hayso Suuriya, iyadoo kormeere dagaal uu sheegay 61 gantaal oo Yahuuddu ay ku qaadday goobo milateri oo dalkaas ku yaalla muddo shan saacadood ah fiidnimadii Sabtida.
Diblumaasiyiin sarsare oo ka kala socda 8 wadan oo Carbeed, Turkiga iyo Maraykanka ayaa ku kulmay dalka Urdun si ay uga wada hadlaan mustaqbalka Suuriya waxayna ku baaqeen in dalka laga sameeyo isbedel siyaasadeed oo nabad ah oo loo wada dhan yahay.
Dagaalada ayaa weli ka socda waqooyi bari dalka Siiriya, dagaalka ayaa u dhaxeeya xoogaga Kurdiyiinta ee SDF iyo ciidamada Siiriya ee Turkiga uu taageero iyo sidoo kale ciidamada Hayat Tahrir al-Sham (HTS) oo ay hogaaminayaan ciidamada Siiriya ee afgambiyey al-Assad.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in maamulka Biden uu “la xiriiray” HTS, oo uu hogaaminayo al-Sharaa, laakiin Washington ay u aqoonsan tahay urur “argagixiso”.