Axmed Madoobe oo Sheegay In Moqdisho Aysan Ka Jirin Dowlad Soomaaliyeed.

38
0

Xilli ay wali taagan tahay xiisada u dhexeeyso maamul goboleedka Jubbaland iyo dowlada Xasan Sheekh ayaa waxaa sii kordhaaya hadalada colaada xambaarsan ee hawada isku marinayaan.

Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa u muuqda in khilaafkoodu uu gaaray meel aad u sareeyso.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in caasimadda dalka ee Moqdisho aysan ka jirin wax lagu tilmaami karo dowlad Soomaaliyeed.

Madoobe oo ka caraysan in dowlada Soomaaliya aysan siinin lacagaha ay bixiyaan dowladaha shisheeye ayaa ka codsaday wadamada shisheeye ee quudiya maamulada ka dhisan Soomaaliya inay si toos ah lacagaha u siiyaan maamulkiisa ayna soo marsiinin dowlada Xasan Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here