Baarlamaanka Dawladda Iran oo Ansixiyay Qorshaha Lagu Xirayo Marin Biyoodka Caalamiga ah ee Hormuz.

18
0

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa maanta shaacisay in baarlamaanka dalkaas uu si rasmi ah u oggolaaday qorshe looga hadlayo xiritaanka marin-biyoodka Hormuz oo ah waddo muhiim u ah dhoofinta shidaalka caalamka, iyada oo sheegtay in go’aanka kama dambaysta ah laga sugayo hay’adaha ammaanka ee dalkaas.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabaas Arakji, uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo uu ka sheegay in ciidamada Iiraan ay ku jiraan feejignaan buuxda. Wuxuuna carrabka ku dhuftay in dhammaan xulashooyinku ay yihiin kuwo miiska saaran, lagana fikirayo sidii loo kala hormarin lahaa, kuwaas oo la aamin san yahay inay qayb ka yihiin xiritaanka Marinka Hormuz iyo beegsiga xarumaha Maraykanka ee gobalka.

Xildhibaanad ka tirsan guddiga ammaanka ee dalka Iiraan ayaa sheegtay, in sidoo kale baarlamaamnku uu ka doodayay suuragalnimada in Iiraan ay ka baxdo heshiiska caalamiga ah ee lagu xadiddo tarminta hubka Nukliyeerka ee loo yaqaano NPT, arintan ayaana si weyn u sii adkeyn karta xiisadda ka dhex aloosan Tehraan iyo dawladaha reer Galbeedka, gaar ahaan kaddib weeraradii Mareykanka uu ku qaaday xarumaha Nukliyeerka ee Fordow, Natanza iyo Isfahaan.

Ilaa iyo hadda lama cayimin waqtiga rasmi ah ee la xirayo marin-biyoodka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasniim. Marin-biyoodka Hormuz oo u dhaxeeya Iiraan iyo Saldanadda Cumaan, kuna fadhiya qiyaastii 55 kiiloomitir, ayaa ah halbowlaha ugu weyn ee laga dhoofiyo saliidda caalamka, waxaana suurtagalnimada xiritaankiisa ay si weyn uga dhigan tahay khatar weyn oo dhaqaale iyo mid amni oo ku wajahan suuqyada tamarta adduunka. Waana tallaabo horseedi karta isbeddel weyn oo ka dhaca gobolka, islamarkaana gelin karta Caalamka wejigii ugu kululaa ee dagaal ka qarxa halka ay ku magacaabeen Mandiqada bariga dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here