Badmaaxayaal hubka u Gudbin Jiray Xuutiyiinta oo Lagu Qabtay Bariga Dalka Yemen.

25
0

Maamulka Yemen ayaa ku dhawaaqay in la xiray labo badmaaxe oo u dhashay dalka Iran oo ka shaqeynaayay safrinta hub ay u wadeen kooxda Xuutiyiinta, xilli ay isku dayayeen inay si sharci darro ah ku galaan dhulka Yemen.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ku dhawaaqday in xabsiga loo taxaabay labo nin oo u shaqaynayay kooxda Xuutiyiinta, nimankan ayaa lagasoo kala qabtay gobolka Abyan ee koonfurta dalkaas iyo Dooxada Hadramaut ee Saxaraha bari ee dalkaas.

Baaritaanadii ugu horeeyay ee la sameeyay ayaa lagu ogaaday in eedeysanayaasha ay u shaqeeyaan Xuutiyiinta, waxayna labada nin ee la qabatay qirteen in shixnado hub ah ay soo marsiin jireen dalka Jabuuti, kuwaas oo ayna ka soo qaadi jireen xeebaha Mokha ee dalkaas.

Mas’uul ka tirsan xukuumada Yemen ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la tayeeyo dadaallada amniga iyo ka hortagga qorshayaasha lagu bartilmaameedsanayo amniga iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay baahida loo qabo in la adkeeyo koontaroolada dekedaha iyo kor u qaadista howlaha kormeerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here