Guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Duqaymo ku Garaacay Saldhiga Ciidamada DF ee Hiilweyne ee Gobalka Shabellada dhexe.

13
0

Wararka nagasoo gaaraya gobalka Banadir ayaa tibaaxaya in Ciidamada Mujaahidiintu ay xalay madaafiic ku garaaceen xerada ciidamada dawladda fadaraalka ee Hiilweyne oo ah xero ku taalla wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe.

Xerada la duweeyay ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dawladda fadaraalka, waxayna madaafiicdu ku hoobteen gudaha xerada, taas oo sii badin karta khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan ayaa gaartay ilaa 3 askari oo dhimasho ah, halka ay ku dhaawacmeen illaa 6 kale, wuxuuna burbur xooggan uu soo gaaray xaruntii la beegsaday.

Weerardan ayaa kusoo beegmaya ayadoo isla xalay ay mujaahidiintu 2 qarax ku weerareen ciidamada dawladda fadaraalka ee ku sugnaa xaafada Buunda weyn ee magaalada Baladweyne, waxaana ku dhaawacmay 1 askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here